4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 26, 2021
Cabdiraxmaan Cabdishakuur "Inqilaabka Farmaajo waa nabar la filaayay oo naxdin maleh"
 

Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur  Warsame ayaa sheegay in madaxweyne farmaajo uu muddo 10 bilood ah sifo sharci darro ah uu ku joogo xafiiska madaxtooyada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in inqilaabka Farmaajo uu yahay nabar la filaayey oo aanan naxdin laheyn.

Siyaasiga ayaa bartiisa Facebook kusoo daabacay 5 qodon oo uu sheegay in loo baahan yahay in la isla garto ayaa u qornaa sida hoose.

1- In uusan Farmaajo dalka Madaxweyne ka ahayn, 10 bilna uu xafiiska sharci darro ku fadhiyo, ayna tahay in uu ka soo baxo Villa Somalia.

2-  Golaha Wadatashiga Qaranka, wuu shiri jiryay, Farmaajana shaqo kuma lahayn shirkooda.

3- Sixitaanka iyo socodsiinta doorashada waa hawl madasha uu Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamiyo u taalla.

4- Muddo xileedkii Golayaasha Dawladda wuu dhamaaday, Aqalka Sare waa la soo doortay, Golaha Shacabka ayaa dhiman, Ra’iisul Wasaaraha ayaa leh awoodda xil-gaarsiinta ee ay ugu horreyso dhamaystirka doorashada iyo Amniga dalka, waana in uu xilka hayaa ilaa iyo inta doorashadu ka dhamaanayso, madaxda qarankana laga dooranayo.

5- Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho, waa in ay RW Rooble, garab istaagaan, gaashaanna u noqdaan, si wadajir ahna uga hortagaan dhagarta uu Farmaajo maleegayo, iskana qabtaan calooshood u shaqaystayaalka uu adeegsado.

Hadalkaan kasoo yeeray hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa imaanaya xili madaxweyne Farmaajo uu sheegay in raysal wasaare rooble uu ku fashilmay howlaha doorashooyinka, islamarkaana oo uu icmaalay Farmaajo shir looga hadlaayo arrimaha doorashada xili maalinta berito ah lagu waday inuu Muqdisho ka furmo shirka Goaha wadatashiga Qaranka oo uu horay u iclaamiyay raysal wasaare Rooble kaasoo hadda u muuqdo inuu baaqday.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]