Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Dec 26, 2021
Golaha midowga musharraxiinta oo ugu baaqay guddiga doorashada in ay doortaan guddoomiye
Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa ugu baaqay guddiga doorashada heer federaal iyo guddiga xallinta khilaafaadka in ay si deg deg ah hoggaan u doortaan, kadib markii xubno kamid ah guddiga ay xilkii ka qaadeen guddoomiyihii guddiga doorashada.
War-saxaafaddeed kasoo baxay midowga musharraxiinta ayaa loogu baaqay guddiyada doorashada in aanay ku dhex milmin siyaasada, kana shaqeeyaan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho daahfuran.
Golaha midowga musharraxiinta waxay sidoo kale soo dhoweeyeen shirka golaha wadatashiga qaran ee Muqdisho ka dhicidoona bishaan 27-keeda sida uu bayaamiyay raysal wasaaraha Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, xil ka qaadista guddoomiyaha guddiga doorashada ayuu khilaaf ka taagan yahay, isagoo guddoomiyaha xilka laga qaaday uu beeniyay warkaas, sheeegayna in aanu dhicin wax kulan ah oo xilka lagaga qaaday iyo sabab looga qaaday.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Raysal wasaare Rooble oo xilalkii u kala badalay wasiirada Gaashaandhiga iyo Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya
12/26/2021 10:04 AM EST
Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilalkii u kala wareejiyay laba ka mid ah golahiisa wasiirada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka
12/26/2021 9:48 AM EST
Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan kula yeeshay aalada fogaan araga wakiilada Beesha Caalamka.
Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo taageero u kala muujiyay madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble
12/26/2021 9:21 AM EST
Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Warsaxafadeedyo kasoo kala baxay xafiisyada madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayay ku kala sheegeen labada maamul inuu midna ka qeyb galayo shirka raysal wasaaraha uu iclaamiyay, midna uu diiday ka qeybgalka shirkaasi.
Puntland oo sheegtay inay ka qeyb galayso shirka raysal wasaare Rooble uu ku baaqay
12/26/2021 7:08 AM EST
Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaaminayo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida lagu sheegay qoraal kooban oo goor dhowayd kasoo baxay madaxtooyada Puntland.
Qaramada Midoobay oo go'aan lagu degdegay ku tilmaamtay xiritaanka teminaalka MOVCON
12/26/2021 6:49 AM EST
Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa sheegtay amarkii dowladda Soomaaliya ay ku xirtay terminaalka MOVCON ee garoonka Aadan Cadde inuu ahaa go’aan lagu degdegay oo lama filaan ah.
Xukuumadda Soomaaliya oo amar ku bixisay inaanu dalka ka safri karin Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya
12/26/2021 6:43 AM EST
Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa amar ku siiyay hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya inaanu dalka ka safri karin taliyaha ciidanka Badda Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir.
Raysal wasaare Rooble oo shaaciyay in madaxweyne Farmaajo uu caqabad ku yahay doorashada dalka
12/26/2021 4:40 AM EST
Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa jawaab kulul ka bixiyay war qoraal ah oo kasoo baxay saaka aroortii hore madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo lagu sheegay in Raysal wasaare Rooble uu gudan waayay waajibaadkiisa shaqo ee hogaaminta doorashada dalka.
Shirkii golaha wadatashiga ee uu raysal wasaare Rooble ku baaqay oo dib u dhacay
12/26/2021 4:15 AM EST
Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Shirkii raysal wasaare Rooble uu ku baaqay inuu ka dhicidoono magaalada Muqdisho oo ay isugu imaan lahaayeen golaha wadatashiga qaran, ayaa dib u dhacay, sida HOL xogta ku helayso.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur "Inqilaabka Farmaajo waa nabar la filaayay oo naxdin maleh"
12/26/2021 4:12 AM EST
Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in madaxweyne farmaajo uu muddo 10 bilood ah sifo sharci darro ah uu ku joogo xafiiska madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo oo ku eedeeyay raysal wasaare Rooble inuu ku fashilmay hoggaaminta doorashada
12/26/2021 12:18 AM EST
Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay shir wadatashi oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka dalka, kadib markii uu ku eedeeyay raysal wasaare Rooble inuu ku guul daraystay hoggaaminta hirgalinta doorashada.
Wasiir Alcaddaala: Waa nasiib darro in saraakiishii ciiddamada loo adeegsado in lagu jaa'ifeeyo raysal wasaaraha
12/26/2021 12:09 AM EST
Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa dacaayad ku tilmaamay eedeymo loo jeediyay raysal wasaare Rooble oo ku saabsanaa, in raysal wasaaruhu dhisanayo dhul ay leeyihiin ciiddanka badda Soomaaliya.
Somali News
PM Roble responds to Farmaajo, accuses him of clinging to power
-
HOL
12/26/2021 8:30 PM EST
MOGADISHU (HOL) - Prime Minister Mohamed Roble has fired back at President Mohamed Farmaajo accusing him of seeking to derail the elections and secure more extended stay in office.
FEIT members axe poll agency boss
-
HOL
12/26/2021 8:12 AM EST
Mogadishu (HOL) - The Chairman of the Federal Electoral Implementation Team was dismissed on Saturday following a near-unanimous vote by members of the 18-person committee.
PM Roble responds to Farmaajo, accuses him of clinging to power
-
HOL
12/26/2021 8:08 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Prime Minister Mohamed Roble has fired back at President Mohamed Farmaajo accusing him of seeking to derail the elections and secure more extended stay in office.
Farmaajo accuses PM Roble of failing to deliver elections mandate, hints at his removal from elections management
-
HOL
12/26/2021 1:48 AM EST
MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo had accused his Prime Minister Mohamed Roble for failing to deliver his election mandate and called for a national conference in an indication he might be clawing back authority to oversee the long-delayed process from the PM.
4.6 million at risk for severe food insecurity in Somalia: UNICEF
-
Anadolu Agency
12/26/2021 12:53 AM EST
Three consecutive dry seasons has left an estimated 3.8 million people in Somalia at risk of severe food insecurity through January, UNICEF said Thursday.
Heavy rains render roads impassable in Ijara
-
KBC
12/26/2021 12:49 AM EST
After a long spell of drought that left thousands of livestock dead in Ijara Constituency for the last one year, heavy rains have continued to pound the area making roads impassable.
Somalia’s climate crisis caused by industrialized nations: Presidency
-
Anadolu Agency
12/26/2021 12:42 AM EST
Somalia's climate crisis is a problem created by industrialized nations, Somali presidential spokesman Abdirashid Mohamed Hashi told Anadolu Agency on Friday.
Somali military kills 22 al-Shabaab terrorists: Officials
-
Anadolu Agency
12/26/2021 12:38 AM EST
The Somali military killed 22 terrorists in operations against terrorist group al-Shabaab in southern Somalia, according to local media and officials.
Clashes in northeast Somalia force thousands to flee: Report
-
AFP
12/26/2021 12:33 AM EST
Clashes between two rival factions of the security forces in a port city in northeast Somalia have forced hundreds of families to flee their homes, says a local official.