4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 25, 2021
Guddoomiyihii guddiga doorashada heer federal oo beeniyay in xil ka qaadis lagu sameeyay
 

Sabti, December, 25, 2021 (HOL) - Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka heer Federaal, Maxamed Xasan Cirro ayaa beeniyay in xil ka qaadis lagu sameeyey, sida ay sheegeen qaar katirsan guddigiisa.

Maanta ayay ahayd markii xubno katirsan guddiga doorashada ay kasoo muuqdeen shir jaraa’id oo ay ku sheegeen in ay xilkii kaga qaadeen guddoomiye Cirro, iyagoo ku eedeeyay inuu lumiyay madax bannaanidii iyo dhex dhexaadnimadii guddiyada doorashada.

Guddoomiyaha oo caawa warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in aanay jirin wax kulan ah oo ay yeesheen guddiga doorashada oo xilka looga qaaday.

Cirro wuxuu sheegay in ay doorashada haysato caqabad siyaasadeed oo loo baahan yahay in laga fardumaamiyo, wuxuuna xusay in mar walba weerar lagu yahay madax bannaanida guddiyada doorashad.

“Doorashadu waxay ku socon kartaa inay madax bannaani helaan dadka ka shaqeynaya iyo hannaanka loo marayo. waa sida kaliya ee doorashadu ku socon karto laguna xallin karo wax kasta oo tabasho ah oo ka jira,” ayuu yiri guddoomiye Cirro.

Khilaafka guddiga doorashada heer federal ayaa kusoo beegmaya xilli guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ay isku diyaarinayaan in ay qabtaan doorashooyinka aqalka hoose, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafkooda uu dib u dhac ku keeno doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online