4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 25, 2021
Sheikh Maxamed Xassan Aadam oo ahaa imaamka magaalada Columbus oo maydkiisa la helay maalmo la weysanaa kadib
 

Sabti, December, 25, 2021 (HOL) - Sheikh Maxamed Xassan Aadam oo ahaa Imaamka Soomaalida ku nool magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka, oo la weysanaa illaa arbacadii lasoo dhaafay ayaa ugu dambayn maydkiisa la helay.

Xubno kamid ah qoyskiisa iyo jaaliyadda Soomaaliyeed Ohio ayaa sheegay in Imaamka la waayay 7-dii fiidnimo ee xilliga geeska afrika, waxaana markii ugu dambeysay uu ku sugnaa masjidka Al Huraira.

Baaritaano socday ku dhawaad 48-saacadood kadib ayaa dad xog ogaal ah waxay u sheegeen HOL in maydka Imaamka laga helay  Baabuur dhexdiisa, isagoo ay jirkiisa ku yaalaan dhowr xabbadood oo rasaas ah.

Waxaa goobta maydkiisa laga helay ay ahayd isgoyska Joyce iyo wadada 17-aad ee dhanka Waqooyi ee magaalada Columbus Ohio.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Sheekh Maxamed Xasan Aadan, in la rumaysan yahay inay dileen koox burcad ah oo aan la garanayn oo afduubtay, inkastoo Booliisku uu wado baaritaano lagu xaqiijinayo sababta dilkiisa.

Imaam Sheekh Maxamed Xasan wuxuu ganacsade caan ka ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Columbus, Ohio

Magaalada Ohio oo Imaamku ku noolaa waxay martigelisaa Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka maraykanka marka laga reebo Minneapolis.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online