4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 25, 2021
Xisbiga Wadajir oo ku eedeeyay dagaaladii ka dhacay Boosaaso madaxweyne Farmaajo
 

Sabti, December, 25, 2021 (HOL) - Warsaxafadeed ay soo saareen Xisbiga Wadajir oo uu hoggaamiyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa looga hadlay dagaalkii maalmahii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Xisbiga ayaa ugu horeyn tacsi u diray dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelada dadkii ku dhintay dagaaladaasi, iyagoona u rajeeyay caafimaad deg deg ah kuwii ku dhaawacmay inuu alle u booga dhayo.

Xisbiga Wadajir ayaa dagaaladaasi ku eedeeyay Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo oo ay ku sheegeen mudadii uu xafiiska joogay inuu ka shaqeynaayay hurinta colaadaha, halkii uu ka shaqeyn lahaa dib u heshiisiinta dadka.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Xisbiga Wadajir.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]