Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Dec 25, 2021
Guddiga Hirgelinta Doorashada Jubbaland oo shaaciyay magacyada guddiyada xulista Ergooyinka dooranaya lix kursi
Sabti, December, 25, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay guddiyada xulista ergooyinka dooranaya lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.
War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga hirgelinta doorashada Jubbaland ayaa lagu soo bandhigay magacyada liiska Odayaasha dhaqanka iyo xubnaha bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya lixda kursi ee lagu wado doorashadoodu iney ka qabsoonto 28-ka bishaan Decembar magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Liiska magacyada odayaasha dhaqanka iyo xubnaha bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya lixda kursi ee la shaaciyay ayaa ah HOP 82, HOP 108, HOP 113, HOP 134, HOP 203, iyo HOP 217, waxayna doorashadoodu bilaabaneysa sida qorshuhu yahay maalinta Talaadada ah ee soo socota.
Hoos ka akhriso liiska oo Faahfaahsan.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
Guddoomiyihii guddiga doorashada heer federal oo beeniyay in xil ka qaadis lagu sameeyay
12/25/2021 3:43 PM EST
Sabti, December, 25, 2021 (HOL) - Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka heer Federaal, Maxamed Xasan Cirro ayaa beeniyay in xil ka qaadis lagu sameeyey, sida ay sheegeen qaar katirsan guddigiisa.
Guddoomiyahii Guddiga Doorashada heer Fedaraal oo goordhaw xilkii laga qaaday
12/25/2021 9:57 AM EST
Sabti, December, 25, 2021 (HOL) - Xubno ka tirsan guddiga doorashada heer Fedaraal oo uu shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada heer Fedaraal Mowliid Mataan ayaa xil ka qaadis waxay ku sameyeen guddoomiyahii guddiga doorashada heer Fedaraal Maxamed Xasan Cirro.
Madaxweyne Farmaajo oo ka digay in wax ka beddel lagu sameeyo heshiiskii 17 september
12/25/2021 9:40 AM EST
Sabti, December, 25, 2021 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galayay sannad guuradii 78-aad ee aas aaskii ciiddanka booliiska Soomaaliyeed, ayaa ka digay in wax laga beddelo heshiiskii 17 september ee aas aaska u ah hirgalinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.
Cumar Cabdirashiid, Faroole iyo Cabdiweli Gaas oo gaaray Garowe si ay qeyb uga noqdaan dhamaynta khilaafka Puntland iyo PSF
12/25/2021 6:03 AM EST
Sabti, December, 25, 2021 (HOL) - Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynayaashii hore ee Puntand oo ay wehliyaan siyaasiyiin iyo Isimo ayaa gaaray magaalada Garowe, si ay qeyb uga noqdaan dadaallada lagusoo afjarayo khilaafka ka dhex taagan Puntland iyo hay’adda PSF.
Sheikh Maxamed Xassan Aadam oo ahaa imaamka magaalada Columbus oo maydkiisa la helay maalmo la weysanaa kadib
12/25/2021 1:24 AM EST
Sabti, December, 25, 2021 (HOL) - Sheikh Maxamed Xassan Aadam oo ahaa Imaamka Soomaalida ku nool magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka, oo la weysanaa illaa arbacadii lasoo dhaafay ayaa ugu dambayn maydkiisa la helay.
Guddoomiye Xirsi "Madaxweynuhu waxa uu ku tumanayaa sharcigii iyo dastuurkii"
12/25/2021 1:12 AM EST
Sabti, December, 25, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee Waddani Xirsi Xaaji Cali Xasan, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku eedeeyay in uu sharciga ku tumanayo.
Xisbiga Wadajir oo ku eedeeyay dagaaladii ka dhacay Boosaaso madaxweyne Farmaajo
12/25/2021 1:04 AM EST
Sabti, December, 25, 2021 (HOL) - Warsaxafadeed ay soo saareen Xisbiga Wadajir oo uu hoggaamiyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa looga hadlay dagaalkii maalmahii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Dowladda Soomaaliya oo xirtay Terminaalka garoonka Aadan Cadde ee ay isticmaalaan duulimaadyada UNka iyo AMISOM
12/25/2021 12:30 AM EST
Sabti, December, 25, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa illaa amar dambe albaabada u laabtay Terminalka Movcon oo ay isticmaalaan hay'addaha Qaramada Midoobey, AMISOM iyo Safaaradaha reer Galbeedka.
Madaxweyne Deni: Waxaan diyaar u ahay inaan qaato xal kasta oo laga gaaro colaadda Boosaaso
12/25/2021 12:13 AM EST
Sabti, December, 25, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu diyaar u yahay xal nabadeed oo nuuc kasta ah iyo heshiis walba oo laga gaaro colaadda magaalada Boosaaso.
Somali News
Columbus police investigating body of Imam Mohamed Hassan found on Christmas Eve as homicide
-
Columbus Dispatch
12/25/2021 12:24 PM EST
Police are investigating a body found on the city's North Side Friday afternoon, which community members believe to be a local imam, as a homicide.
Somali government closes UN terminal in Mogadishu over ‘breach of immigration protocols’
-
HOL
12/25/2021 3:16 AM EST
MOGADISHU (HOL) - UN and AMISOM staff will now have to use the main terminal at Aden Adde Airport in Mogadishu following the closure of their dedicated terminal by Somali government over accusations of unauthorised use by travelers with no requisite documents and smuggling of ‘uncontrolled commodities’.
Small traders stranded in Puntland as pastoralist customers migrate
-
Radio Ergo
12/25/2021 1:08 AM EST
When most pastoralists migrated away with their livestock to search for water and pasture, Lul Ahmed Wayrah, a divorced mother of eight, closed her small restaurant in Abaarey village in north-eastern Somalia’s Nugal region and followed her customers.
Legacy of hope: physio gives the gift of mobility to Somali children with club foot
-
Telegraph
12/25/2021 12:46 AM EST
It took the team three weeks to persuade Micraj, now six, that she could walk after their treatment.
'Istanbul' a common female name in Somalia as Turkish influence gains momentum
-
Anadolu Agency
12/25/2021 12:22 AM EST
Somalia and Turkey share a long history that goes back to the Ottoman era, with the Turks playing a huge role in Somalia’s independence struggle against the British colonial empire.