4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 25, 2021
Madaxweyne Deni: Waxaan diyaar u ahay inaan qaato xal kasta oo laga gaaro colaadda Boosaaso
 

Sabti, December, 25, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu diyaar u yahay xal nabadeed oo nuuc kasta ah iyo heshiis walba oo laga gaaro colaadda magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni oo xalay shir jaraaid kaga hadlay dagaaladdii Boosaaso ka dhacay, ayaa sheegay inuu ka qoomamaynayo dhibaatada shacabka kasoo gaartay dagaaladdaas, isagoo sheegay in uusan marnaba raalli ka ahayn in dhiig daata wax lagu xalliyo.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay xaaladdu haatan dhaaftay xilligii ay iyagu wax xallin karayeen, wuxuuna ugu baaqay Isimada Puntland iyo cid kastoo oo waxgarad ah oo saamayn leh in ay u istaagaan sidii lagu xallin lahaa colaadda magaalada Boosaaso

“Isimada oo dhan waxaan ugu baaqayaa in aysan dhib u milicnsan qaladaad hore oo dhacay, ama aragtiyo hore oo markaas aan u muuqanayn inay xalkii wax keenayn. Yaysan ka daalin. Waxaan hubaa arrintaas inay maslaxad u tahay annagoo idil,’ ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata, wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhegaysto saraakiisha PSF ee ka hor yimid isbedelka uu sameeyay, si buu yiri aan dib loogu laaban wixii horey u dhacay.

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya iyadoo shaki laga qabay xabbad joojin looga dhawaaqay magaalada Bosaso, halkaas oo muddo labo maalin ah uu ka socday dagaal ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay agaasimihii hay'adda PSF, Gen. Maxamuud Cismaan Diyaano.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online