4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 24, 2021
Xisbiga Kulmiye oo u jawaabay xisbiyada mucaaradka ee kasoo horjeeda furista ururada siyaasada
 

Jimco, December, 24, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, oo u jawaabay madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland ee kasoo horjeeda furista ururada siyaasada, ayaa sheegay in furista ururada uu xeer waajibinayo, isla markaana anay ahayn wax cidna laga talo galinayo.

Buuni ayaa sheegay in la gaadhay xiligii xisbiyada la furi lahaa sida xeerku qeexayo, isla markaana sababta muddo xileedka loo sameeyay ay tahay in dadka hanka leh fursad la siiyo.

"Dalkan Somaliland halkaa wuxuu ku soo gaadhay dowladnimo iyo qaanuunka oo la ixtiraamo, dowlad ilaa qofka ugu hooseyaa wuxuu wax ku yahay qaanuunka dalka...qaanuunka dalkani fursad ayuu siiyay shacbiga Somaliland, xigmada loo sameeyay muddo xileedna waa in dadku helaan fursad siyaasi ah" ayuu yidhi.

Buuni ayaa sheegay in sharcigu uu wax ka qaban doono cidii sharciga ixtiraami wayda, isagoo sheegay in madaxweynuhu uu yahay ilaaliyaha sharciga.

"Waxan u arkaa in fursadii qaanuuniga ahayd ay timiday, qaanuunka dalkana ilaaliyihiisa koowaad waa madaxweynaha qaranka, cid kale oo wax laga waydiinayaa ma jirto, ninkii qaanuunka ixtiraami waayana qaanuunka dalka ayaa u jawaabaya" ayuu yidhi Buuni.

Buuni ayaa intaa ku daray  in golaha wakiiladu ay majara habaabiyeen u jeedadii uu madaxweynuhu ugu celiyay xeerka furista ururada siyaasada "madaxweynuhu golaha wakiilada wuxu u gudbiyay in hal sanno ay saddex doorasho isdul saaranyihiin, ujeedada qoraalkiisu waxay ahayd soo nidaamiya oo kaasoo xil guta, wax wixii loo diray aan ahayn bay galeen".

Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]