4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 24, 2021
Qoyska Ikraan Tahliil oo sheegay inuusan wali duugmin kiiska Gabadhooda
 

Jimco, December, 24, 2021 (HOL) - Qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd ciidanka Nabadsugida Qaranka oo markii ugu dambeysay lagu waayay gacanta hay'adda NISA ayaa goordhaw warsaxafadeed cusub oo la xariira kiiska gabadhooda ay soo saareen waxay ku sheegeen inuusan wali duugmin kiiska gabadhooda oo ay sugayaan wali cadaalada.

War saxafadeedka ay soo saareen qoyska Ikraan Tahliil ayay ku sheegeen ineysan ku qanacsanen hadalkii kasoo baxay xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida 22-kii bishii lasoo dhaafay ee Novembar, iyagoona sheegay in xafiiskaasi uusan awood buuxda u laheyn soo afjarida kiiska gabadhooda.

Qoyska Ikraan Tahliil ayaa sidoo kale dalbaday iney cadaalad ka helaan kiiska gabadhooda oo laga soo bilaabo 26-kii bishii June ee sanadkan ilaa xiligan oo la joogo 24-ka Decembar 2021 nolol iyo geeri midna lagu heynin.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay Qoyska Ikraan lagu sheegay in warbixin baariseedka uu Xeer ilaaliyaha ka sheegay warbaahinta ay khilaafsan tahay Habraaca loo maraybaarista fal danbiyeedyada.

Si kastaba waxaa xusid mudan in kiiska Ikraan Tahliil uu horay u sababay khilaaf culus oo hareeyay Xafiisyada madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare kaasoo muddo dheer kadib ay ka heshiyeen waxaana markale muuqaneysa in kiiskan uu dib usoo rogaal celiyay, kaasoo lagu eedeysanayo shaqsiyaad saaxiib dhaw la ah madaxweyne Farmaajo, sida Fahad Yaasiin, Kulane Jiis, Cabdiqani Dhiirabe iyo Yaasiin Fareey.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]