4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 24, 2021
Guddiga Hirgelinta Doorashada Jubbaland oo shaaciyay qabashada doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka
 

Jimco, December, 24, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada maamul goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada Jubbaland ayaa lagu sheegay in diiwaan gelinta ergada iyo tababarkooda ay bilaabaneyso berito oo Sabti ah, iyadoo diiwaan gelinta Musharaxiintana ay bilaabaneyso 27-ka bishaan oo ku beegan Isniinta soo socota.

Kuraasta doorashadoodu ay shaaciyeen guddiga doorashada Jubbaland ayaa kala ah tirsigooda HOP 82, HOP 108, HOP 113, HOP 134, HOP, 203 iyo HOP 217, waxaana kuraasta doorashadoodu dhaceysaa 28-ka bishaan Decembar 2021 oo ku beegan maalinta Talaadada ah ee soo socota.

Maamulka Jubbaland ayaa noqonaya maamulkii afaraad ee gudda gala doorashada kuraasta Golaha Shacabka, waxaana horay u bilaabay maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]