4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 24, 2021
Xarunta urur-goboleedka IGAD ee la socodka cimilada iyo ilaalinta deegaanka oo laga furay Muqdisho
 

Jimco, December, 24, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu weheliyo Xoghaya Guud ee urur Gobaleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa magaalada Muqdisho xarrigga kaga jaray xarunta Urur Goboleedka IGAD ee la socodka Cimilada iyo Ilaalinta Deegaanka.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa soo bandhigay muhiimadda ay u leedahay xaruntani guud ahaan dalalka Geeska, gaar ahaan Soomaaliya oo martigalinaysa xaruntan heer gobol, isaga oo tilmaamay in isbedelka cimilada uu gobolka ku yahay caqabad ay tahay in la iska kaashado.

“Xaruntani waxa ay muhiimad weyn u leedahay Guud ahaan Gobolkeenna oo ay ka caawin doonto hirgelina Qorsheyaasha Isbeddelka Cimilada ee IGAD, Midowga Afrika iyo Heshiiska Caalamiga ah ee Paris. Waxa ayna ku soo beegantay xilli ay Gobolka ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada ee abaaraha, fatahaadaha iyo nabaad-guurka" ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa uga mahad celiyey dowladda Federaalka Soomaaliya martigelinta xaruntan, isagoo sheegay in ay wax weyn ka tari doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka Cimilada.

Xaruntan cusub ee IGAD ayaa ka shaqayn doonta la socodka iyo wax ka qabashada isbeddelada cimilada iyo ilaalinta badqabka deegaanka ee dalalka IGAD, iyada oo diiradda saari doonta ururinta macluumaadka, cilmi baarista iyo soo saaridda warbixinnada ku aaddan dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, oddorosidda iyo ka jawaabidda masiibooyinka dabiiciga ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]