4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 23, 2021
Ciidamadii ku dagaalamayay gudaha magaalada Bosaso oo lagu guulaystay in la kala qaado
 

Khamiis, December, 23, 2021 (HOL) - Dadaallo nabadeed oo loogu jiray joojinta colaadda magaalada Bosaso ayaa ugu dambayn lagu guulaystay in la kala qaado ciiddamadii ku dagaalamayay gudaha Bosaso.

Dhinacyada nabadaynta oo ay Isimadu hormuud u yihiin ayaa galabnimadii maanta tagay goobihii la isku horfadhiyay, waxayna ku guulaysteen in dib loo furo waddooyinkii dhufayska laga dhigtay.

Muuqaallo laga soo duubaay goobaha lagu dagaalamayay ayaa muujinayay burbur baaxad leh oo hubka la isku adeegsanayay uu gaarsiinayay dhismayaal ganacsi iyo guryo dad shacab degenaayeen oo markii dambe ka qaxay.

Labada dhinac ayaa aqbalay in ay ciidamada dib ugu celiyaan xarumahoodii, una diyaar garoobayaan wada hadal lagu dhameynayo khilaafka ka dhashay xil wareejinta agaasimihii PSF, Gen. Maxamuud Cismaan Diyaano.

Shacabka ayaa weli kasii barakacaya magaalada Boosaaso, iyagoo aan kalsooni buuxda ku qabin xabbad joojinta, waxaana magaalada laga dareemayaa cabsi joogto ah oo in mar kale dagaal dhici karo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online