4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 23, 2021
Madaxweyne Biixi "Bisha May marka la gaadho xisbiyadii waala furayaa"
 

Khamiis, December, 23, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo sii adkeeyay hadalkii wasiir Koore, ayaa sheegay in marka la gaadho bisha May ee sannadka 2022, uu furayo ururadii siyaasada, talaabadaas oo mucaaradku aad uga soo horjeestay.

"Furista ururada qofna ma go'aamin karo, qofna kama hadli karo, waxaynu raacaynaa Xeer-14  oo labada gole meel mariyeen madaxweynuhuna saxeexay, ayaa dhaqan gal ah anaga oo fulinayna jidkaa xeerku sheegay bisha May marka la gaadho xisbiyadii waala furayaaye nin walowba ku biyo cab" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa xisbiyada mucaaradka usoo jeediyay in anay wax dhib ah u arag furista ururada, isagoo sheegay in wax badan oo laga doodaa anay meesha oolin.

"Xisbiyada qaranka waxaa ku waajib ah in anay ka boodin furista axsaabta waayo waa sharci, maanta musharaxa xisbiga Waddani wuxuu yidhi xisbiyadii waanu ogolnahay in la furo, hadaa maxaynu ka doonaynaa?"

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale, balan qaaday in uu doorashada madaxweynaha wakhtigeeda ku qabanayo "doorashada madaxweynahana, iyaduna waa waajib eh wakhtigeeda ayaynu maraynaa hadii Alle yidhaahdo".

Ku dhawaaqista furista ururada siyaasada ayaa buuq iyo is maan dhaaf ka dhex dhalisay golayaasha siyaasada Somaliland, iyadoo qaar ay u dagaalamayaan furista ururada, halka qaar kalena ka dagaalamayaan.

Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]