4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 23, 2021
Beesha Caalamka iyo Midowga Musharaxiinta oo war saxafadeed kasoo kala saaray shir uu iclaamiyay Raysal wasaare Rooble
 

Khamiis, December, 23, 2021 (HOL) - War saxafadeed ka soo baxay saaxiibada Beesha Caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay shir la filaayo 27-ka bishaan inuu magaalada Muqdisho ku dhexmaro madasha Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasoo uu iclaamiyay raysal wasaaraha Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in beesha caalamka ay si buixda u taageereyso shirka ay ku balansan yihiin golaha wadatashiga qaranka, islamarkaana looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo dardar galintooda.

“Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxa ay soo dhoweynayaan qorshaha lagu qabanayo kulanka fool ka fool ah u yeelanayo Golaha Wadatashiga Qaran oo diiradda lagu saarayo hagaajinta iyo dardargelinta hannaanka doorashada. Waxaan mar kale ku celinaynaa baaqayada ku aaddan daahfurnaan buuxda ee dhammaan hababka la xiriira. Waxaan weli sii buuxda u taageeraynaa hanaan kasta oo ku saleysan oo ixtiraama heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020 iyo 27dii May 2021. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqeynaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada, waxaana ku baaqeynaa hirgelinta kor u qaadis lagama maarmaan ah si loo saxo daldaloollada la arkay si loo xaqiijiyo in natiijadu ay heli doonto taageerada iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Dhinaca kale Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay iney soo dhaweynayaan shirka Golaha wadatashiga Qaran ee dhawaan ku dhex mari doona magaalada Muqdisho.

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan in shirka golaha wadatashiga qaran uu noqon doono mid looga gudbo caqabaha ku horgudboon doorashada dalka.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]