4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 23, 2021
Madaxtooyada Puntland iyo taliska PSF oo midba midka kale ku eedeeyay colaadda Boosaaso
 

Khamiis, December, 23, 2021 (HOL) - Madaxtooyada Puntland ayaa ku eedeysay agaasimihii hore PSF, Gen Maxamuud Cismaan Diyaano, inuu hurinayo colaadda ka jirta Magaalada Boosaaso, waxayna sheegtay in si aan kala sooc lahayn ciiddamdiisu ay magaalada Boosaaso ugu duqeynayaan Hoobiyaal.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in ay Puntland wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso, waxayna raacisay in ay qaadayso wixii tillaabooyin ah oo lagu fududeynayo dadaalada socda.

“Si loo dhiirigeliyo sidii xal nabadeed loogu dhammeyn lahaa xaaladda xil wareejinta masuuliyadda iyo hantida PSF, Dowladda Puntland waxay ku celinaysaa in ay wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso,” ayaa lagu yiri warka madaxtooyada.”

Warka kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa kusoo aadaya, iyadoo magaalada Boosaaso uu weli ka socdo dagaal u dhaxeeya ciiddanka Puntland iyo kuwa PSF, kaasoo xalay saqdii dhexe ka bilowday fariisimihii la isku horfadhiyay.

Dhinaca taliska ciiddanka PSF oo dhankooda soo saaray qoraal kooban,  ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in ay jebiyeen ballantii xabbad joojinta ahayd, waxayna sheegeen in lagusoo qaaday weerar ayna iska difaaceen.

PSF waxay ku eedeeysay wasiiradda loo xilsaaray arrinta magaalada Boosaaso in ay sii hurinayaan colaadda iyo barakacinta dadka shacabka ah, Sidoo kale waxay sheegeen in aan la xushmayn baaqyadii kasoo baxayay Isimada iyo culimada Puntland.


Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]