4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 23, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay iney si deg deg ah loo joojiyo dagaalka Boosaaso
 

Khamiis, December, 23, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay inuu ka tiiraanyaysan yahay shaqaaqada iyo dagaalka ka socda magaalada Boosaaso ee sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac muwaadiniin aan waxba galabsan.

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay inuu ku baaqayo in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Boosaaso, isagoona sheegay inuu dhiiragalinaayo dadaalada iyo nabadeynta ay wadaan isimada iyo dhaqan Puntland.

"Waxaan ku kalsoonahay xilkasnimada iyo garashada isimada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo gacan ka hadalka, lana abbaaro dhabbaha nabadda si loo helo xal waara. waxa dhiirrigelinayaa dadaallada nabadaynta iyo wadahadalka ku dhisan ee ay wadaan isimada iyo dhaqanka Puntland ee u istaagay sidii loo joojin lahaa shaqaaqadan, looguna danayn lahaa xasilloonida deegaanka iyo danta bulshada reer Puntland" ayaa yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale  tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoodey dagaalka ka dhacay magaalada Boosaaso, isagoo dadkii ku dhaawacmay alle uga baryayay inuu deg deg ugu booga dhayo, waxaana hadalka madaxweyne Farmaajo uu imaanaya xili labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu dagaal culus ka socday magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]