4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 23, 2021
Xabbad joojintii Boosaaso oo dhaqan gali weyday iyo dagaal mar kale xalay halkaas ka dhacay
 

Khamiis, December, 23, 2021 (HOL) - Xabbad joojintii ay ballanqaadeen labada dhinac ee ku dagaalamayay magaalada Boosaaso, ayaa dhaqan gali weyday kadib markii xalay mar kale uu dagaal xooggan halkaas ka dhacay.

Lama oga cidda jabisay xabbad joojinta, hase yeeshee, abbaaro 12:00 habeenimo ee xalay ayaa hal mar waxaa isqabsaday daryanka madafiicda la isweydaarsanayo.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay inta uu le’eg yahay, mana jirto cid wel ka hadashay dagaalkii xalay oo labada dhinac katirsan.

Xaaladda ayaa saakay deggen, inkastoo goor kasta la filan karo inuu dagaal dhaco, waxaana magaalada kasii qaxaya dadkii ku haray si ay uga nabad galaan madaafiicda habowga ah.

Isbitaalada kuyaalla magaalada Boosaaso, ayaa waxaa buux dhaafiyay dad badan oo ku dhaawacmay dagaalada labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada Boosaaso.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]