4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 23, 2021
Jeneraal Xuud "Hadii wanaaga doorashada la fiirin waayo waxaa dhaceysa in la isdilo oo uu dhiig daato"
 

Khamiis, December, 23, 2021 (HOL) - Shirjaraa'id ay si wadajir ah ugu qabteen gudaha magaalada Baledweyne hoggaanka sare ee golaha Kacdoonka gobolka Hiiraan ayaa waxay kaga soo horjeesteen hadalkii dhawaan kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ee ahaa in doorashada Golaha Shacabka ciday rabaan kusoo saari doonaan.

Madaxda golaha kacdoonka Hiiraan oo u horkacaayo Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa waxay sheegeen in doorashada 25-ka kursi ah ee taala magaalada Baledweyne iney doonayaan iney noqoto mid ku dhacda si xor iyo xalaal ah, islamarkaana aysan aqbali doonin in la carqaladeeyo doorashada kuraasta taala Baledweyne oo la boobo.

"Nidaamka iyo sharciga doorashooyinka ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiyeen waa in la raaca oo aanan lagu xad gudbin nidaamka, hadii ay timaado in lagu xad gidbana waxaa imaaneysa inuu dhib dhaco, anaga gole ahaan waxan horay u aqbalnay in doorasho xalaal ah ka dhacdo Baledweyne, balse haatan waxan aragna in la doonayo boob, mana la boobi karo doorashada wanageedana waa in uu ka yimada dowlada iyo dadka Soomaaliyeed, hadii wanageda la fiirin wayana waxa dhaceysa in la isdilo oo dhiig daato" ayuu yiri Jenaraal Abuukar Xuud.

Hadalkaan kasoo baxay golaha Kacdoonka Hiiraan ayaa imaanaya xili dhawaan uu magaalada Baledweyne ka sheegay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle in doorashada kuraasta Baledweyne taala ay kusoo saarayaan cidii ay iyaga rabaan, taasoo abuurtay walaac badan oo la xariira sida ay u qabsoomi karto doorasho xor iyo xalaal ah.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]