4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 23, 2021
Ciidamada Itoobiya oo TPLF kala wareegay magaalada Soqota ee degaanka Axmaarada
 

Khamiis, December, 23, 2021 (HOL) - Ciidamada Itoobiya oo garab ka helaya kuwa degaanka Axmaarada, ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta magaalada Soqota ee degaanka Axmaarada, sida ay baahiyeen Warbaahinta dowladdu.

Magaaladan ayaa sida la sheegayo ah magaalo wayn, oo aad ugu dhaw magaalada Maqale ee degaanka Tigray, waana magaaladii u dambaysay ee TPLF laga saaro ee ku taal degaanka Axmaarada.

Qabashada magaaladan ayaa kusoo hagaagtay xilli TPLF ay gacanta ka taagatay dagaalka, isla markaana horey ay u sheegtay TPLF inay ka baxday dhulkii ay horey u haysatay, isuna urursadeen gudaha degaanka Tigray.

Ciidamada dowladda ayaa wali kusii siqaya dhanka Alamata iyo Korem, iyagoo wacad ku maray inay sii wadayaan ololahooda ay TPLF ku baacsanayaan.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]