Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Dec 21, 2021
Golaha ammaanka oo waqtiga u kordhiyay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya
Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) u kordhiyay saddex bilood oo dheeraad ah oo ay kusii joogaan dalka, si ay Soomaaliya iyo Midowga Afrika uga wada xaajoodaan mustaqbalkooda fog ee howlgalka AMISOM.
Go’aankaan ayaa wuxuu ka dhigan yahay in ciiddamada Amisom ay Soomaaliya sii joogayaan illaa bisha Maarso ee sanadka soo socda si ay u sugaan heshiis rasmi ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Midowga Afrika.
Midowga Afrika ayaa doonaya in dib u habeyn lagu sameeyo howlgalka AMISOM, waxayna doonayaan in la aas aaso howlgal isku dhaf ah oo ay ku midaysan yihiin Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Howlgalka AMISOM ayaa haatan waqtigiisu wuxuu ku ekaa dhammaadka bishaan December, waxayna dowladda Soomaaliya doonaysaa in sannadka soo socda howlaha AMISOM lagu wareejiyo ciiddamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay ula wareegaan masuuliyadda amni ee dalka.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya oo ku baaqday in si degdeg ah lagu dhameeyo colaadda Bosaso
12/21/2021 2:23 PM EST
Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday Maamul Puntland iyo saraakiisha ciiddanka PSF in ay wada xaajood nabadeed ku xalliyaan iska-horimaadyadii maanta ka dhacay magaalo xeebeedka Boosaaso.
Xukuumada Somaliland oo digniin u dirtay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland
12/21/2021 9:21 AM EST
Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Wasiirku xigeenka wasaarada caafimaadka Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ugu hanjabay in xilka laga tuuri doono hadii aanu ogolaan furista ururada siyaasada.
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ku Casuumay shir looga hadlaayo arrimaha Doorashada
12/21/2021 9:14 AM EST
Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka iney kasoo qeyb galaan shir looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka dalka oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo xeerka furista ururada siyaasada u gudibiyay maxkamada sarre
12/21/2021 9:09 AM EST
Talaado, December, 21, 202 (HOL) - 46 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maxkamada sarre u gudbiyay xeerka furista ururada siyaasada oo dhaqangalnimadiisu golaha khilaaf ka dhex abuurtay, si maxkamadu fasiraad sharci ah ugu samayso.
Duqa Boosaaso: Ciidanka PSF hal guri ayay ka dagaalamayaan waana ugu galaynaa
12/21/2021 7:09 AM EST
Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Duqa magaalada Boosaaso, Cabdiqani Axmed Ismaaciil Deera-dile ayaa ka hadlay dagaalka magaalada Boosaaso ka socda oo u dhexeeya ciiddanka Puntland iyo ciidamo daacad u ah agaasimihii hore ee hay’adda PSF ee xilka laga qaaday.
Faysal Cali Waraabe oo markii afaraad loo doortay guddoomiyaha xisbiga UCID
12/21/2021 6:59 AM EST
Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo muddo 20 sanno ah xisbigaa hogaaminayay, ayaa muddo 5 sanno oo kale ah dib loogu doortay in uu xisbigaas hogaamiyo.
Guddida xalinta khilaafka soo kala dhex galay xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland oo war soo saaray
12/21/2021 5:20 AM EST
Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Guddidii loo xilsaaray in ay xaliyaan khilaafka kala qaybiyay Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in ay ku fashilmeen in ay wax horumar ah ka sameeyaan isku soo dhawaynta labada dhinac.
Iska hor imaad u dhexeeya ciiddanka amniga Puntland iyo ciidamo daacad u ah agaasimihii PSF oo ka socda Boosaaso
12/21/2021 3:38 AM EST
Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socda iska hor imaad u dhaxeeya ciiddanka amniga Puntland iyo ciiddamo daacad u ah agaasimihii hore ee ciiddanka PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano.
Maxkamad kutaalla Burtinle oo 3 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed ku riday nin xaaskiisii ka fafafiyay muuqaallo qarsoodi ah
12/21/2021 2:12 AM EST
Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Maxkamad kutaalla degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ee Puntland ayaa saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $3,000 ku riday nin xaaskiisii hore ka faafiyay muuqaallo qarsoodi ah.
QM oo sheegtay Ku dhawaad 7.7 milyan oo Soomaaliya ah inay u baahan yihiin gargaar degeg ah
12/21/2021 12:57 AM EST
Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Ku dhawaad 7.7 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa u baahan doona gargaar sannadka 2022, taasoo 30 boqolkiiba kor u kacday muddo hal sano gudaheed ah, sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasheeda.
Bashiir Goobe oo beeniyay eedayn dhul boob ah oo loo jeediyay raysal wasaare Rooble
12/21/2021 12:16 AM EST
Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Wasiir udowlaha hawlaha guud iyo dib udhiska dalka, Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobe) ayaa beeniyay eedayn kasoo baxday taliyaha ciiddanka badda Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir, kaasoo sheegay in raysal wasaare Rooble uu guryo ka dhisanayo dhulkii ay lahaayeen ciidamada Badda Soomaaliya.
Abaaro baahsan oo saameyay dadka iyo duunyada oo ka jira gobolka Hiiraan
12/21/2021 12:06 AM EST
Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Deegaano iyo degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa xiligaan wajahaya xaalada bini aadanimo nooca ugu daran oo ka dhashay abaaro baahsan oo ku dhuftay inta badan degmooyinka gobolka Hiiraan.
Somali News
Suspect pleads not guilty to murder of British lawmaker Amess
-
Al-Jazeera
12/21/2021 12:23 PM EST
A man accused of killing British parliamentarian David Amess at a church where he was meeting voters in October has pleaded not guilty at a court hearing.
Pakistan offers training to Somalia professionals
-
Tribune
12/21/2021 10:21 AM EST
Foreign Minister Shah Mahmood Qureshi has assured Somalia of continued training opportunities for diplomatic, defence, banking, health and IT professionals.
Drought spreads to Hiiraan as pastoralists seek assistance
-
HOL
12/21/2021 6:28 AM EST
BELEDWEYNE (HOL) - Several districts in the Hiiraan region are facing a humanitarian crisis due to the widespread drought that has hit many communities in Somalia, according to residents and aid agencies.
Puntland forces clash with PSF faction allied to sacked commandant in Bosaso
-
HOL
12/21/2021 5:02 AM EST
BOSASO (HOL) - BOSASO (HOL) - Fighting erupted in Bosaso Tuesday morning following a clash between forces allied to President Abdullahi Deni and a section of the Puntland Security Forces.
Turkish Red Crescent distributes food aid in drought-stricken Somalia
-
Anadolu Agency
12/21/2021 1:08 AM EST
The Turkish Red Crescent on Monday delivered at least 4,253 food packages donated by the Turkish government to drought-stricken families in southern Somalia.
Humanitarian aid plan seeks $1.5 bln to help people in Somalia
-
Xinhua
12/21/2021 12:38 AM EST
The United Nations and other humanitarian partners have launched the Humanitarian Response Plan (HRP) for 2022, seeking about 1.5 billion U.S. dollars to help 5.5 million of the most vulnerable people in Somalia.
Somali police arrest passenger who attacked Turkish Airlines crew
-
Anadolu Agency
12/21/2021 12:24 AM EST
Somali police on Monday announced the arrest of a passenger of Turkey's flag carrier allegedly involved in an attack on a crew member.