4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 21, 2021
Xukuumada Somaliland oo digniin u dirtay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland
 

Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Wasiirku xigeenka wasaarada caafimaadka Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ugu hanjabay in xilka laga tuuri doono hadii aanu ogolaan furista ururada siyaasada.

"Guddoomiyaha baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland, awawgay Cabdirisaaq Khaliif waxan kula talin lahaa in uu golaha sharci ku hogaamiyo, madaama oo uu yahay odaygii baarlamaanka oo uu sharciyada dalka raaco, oo aanu noqon guddoomiyihii ugu mudada gaabnaa" ayuu yidhi wasiir Libaan.

Wasiir Liibaan, ayaaa sheegay in ay dhabtahay in xisbiga Khaliif ka tirsanyahay aanu ogolayn furista ururada siyaasada lakiin shacbiga iyo inta badan xildhibaannada golaha wakiiladu ay qabaan in ururada la furo.

"Waan ogahay in Cabdirisaaq uu xisbi ka tirsanyahay, saaxiibo ayuu leeyahay abaal ku leh oo Somaliland oo dhani ogtahay, oo iyagu arrinka furista ururada kasoo horjeeda, lakin sharcigu wuxuu qabaa in ururada la furo isaguna wuu ogyahay, xildhibaannadiisiina majooratigoodii taa shacbigu uu qabo ee ah in aan marnaba dib loo dhigi karin ayay qabaan" ayuu hidhi wasiir Liibaan.

46 mudane oo ka mid ah 82 mudane ee uu Golaha Wakiilada Somaliland ka koobanyahay ayaa soo jeediyay in xeerka furista ururada siyaasada aan waxba lagaga noqonin oo sidaa lagu furo ururadii siyaasada, dhinaca kalena, xukuumada ayaa ku dhawaaqday in ay furanyihiin ururada siyaasadu.



Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]