4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 21, 2021
Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo xeerka furista ururada siyaasada u gudibiyay maxkamada sarre
 

Talaado, December, 21, 202 (HOL) - 46 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maxkamada sarre u gudbiyay xeerka furista ururada siyaasada oo dhaqangalnimadiisu golaha khilaaf ka dhex abuurtay, si maxkamadu fasiraad sharci ah ugu samayso.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo u hadlay xildhibaanada maxkamada hortagay, ayaa sheegay in laysku haysto in madaxweynuhu uu xeerka golaha ugu soo celiyay mudadii sharcigu siinayay iyo in uu muddo dhaafay oo uu sidaa dhaqangal ku yahay.

"Wax dhibaato ah oo golaha iyo qaranka midna ka jirtaa ma jirto lakin goluhu wuxuu isku qabtay laba qodob oo sharci ah, xeer madaxweynaha loo gudbiyay oo madaxweynuhu soo celiyay ayaa goluhu wuxuu isku qabtay xiligii loogu talo galay ayuu madaxweynuhu kusoo celiyay iyo kumuu soo celin" ayuu yidhi Abiib.

Abiib ayaa sheegay in ay maxkamada xeerka ugu gudbiyeen si ay u kala caddayso qodobka dastuurka kamid ah ee loo raacayo.

"Qayb naga mid ahi waxay leedahay xeer ka waxa loo raacayaa qodobka 77 ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, 46 mudane oo halkan jooga oo uu ku jiro guddoomiye ku xigeenkii golaha wakiiladuna ay leeyihiin waxa loo raaxayaa qodobka 78" ayuu yidhi Abiib.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xeerka furista ururada siyaasada ee xeer 14 dib ugu soo celiyay golaha si ay kaabis ugu sameeyaan, kadib markii ay ansixiyeen golihii kan ka horeeyay. Hadaba, xildhibaannada golaha ayaa isku maandhaafsan in madaxweynuhu uu xeerka wakhtigii sharciga ahaa kusoo celiyay iyo in uu ku muddo dhaafay oo uu dhaqangalyahay.

Xildhibaannada maxmada hortagay ayaa ku doodaya in xeerku uu dhaqangalyahay oo uu madaxweynaha ku muddo dhaafay sidaana ay ku furanyihiin ururadii siyaasadu.



Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]