4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 21, 2021
Guddida xalinta khilaafka soo kala dhex galay xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland oo war soo saaray
 

Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Guddidii loo xilsaaray in ay xaliyaan khilaafka kala qaybiyay Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in ay ku fashilmeen in ay wax horumar ah ka sameeyaan isku soo dhawaynta labada dhinac.

Guddoomiyaha guddida xildhibaan Mukhtaar Xasan Maydhane, oo warhaahinta la hadlay, ayaa sheegay in guddida uu hogaanka u ahaa ay gabi ahaanba quus kasoo istaagtay sii wadista wadahalada labada dhinac.

"Waxan ku wargalinayaa shirguddoonka golaha wakiilada gaar ahaan, iyo bulsho waynta Somaliland guud ahaan, in anaga oo ah guddidii loo xilsaaray xalinta khilaafkii sharci ee golaha ku yimid, oo waliba aan shirarkooda guddoominayay anigu shakhsiyan, aanu ku guuldaraysanay in aanu xalino khilaafkaas" ayuu yidhi Maydhane.

Xildhibaan Maydhane, ayaa sababta fashilka wadahadalada ku sababeeyay in labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyay midkoodna laga waayay wax dabac sanaan iyo tanaasul ah. Waxa uu sheegay in dhinac waliba uu ku adkaystay dhankiisa oo qolana in ay qolo u talowdo diiday.

"Dhan waliba wuxuu ku adkaystay dhankiisa, oo midna in uu u talaabo ama si hoose wax ula eego dhinaca kale iskuma dayin" ayuu yidhi Maydhane.

Xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa isku  maandhaafsan dhaqangalnimada xeerka furista ururada siyaasada ee xeer Number 14 oo golaha horyaala.



Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]