4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 21, 2021
Maxkamad kutaalla Burtinle oo 3 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed ku riday nin xaaskiisii ka fafafiyay muuqaallo qarsoodi ah
 

Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Maxkamad kutaalla degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ee Puntland ayaa saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $3,000 ku riday nin xaaskiisii hore ka faafiyay muuqaallo qarsoodi ah.

Ninkan ayaa baraha bulshada ku faafiyay muuqaallo ay xaaskiisii hore ugu dirtay taleefoonkiisa. Kadib khilaaf dhexmaray markii uu furay xaaskiisa ayuu ka faafiyay muuqaallada, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha.

“Eedaysanuhu wuxuu ku xadgudbay sharafta dhibbanaha, wuxuuna ka faafiyay fiidiyow ay isku qarsadeen. Dabadeed markuu furay, isagoo ku xumaynaya iyada, wuxuu soo dhigay baraha bulshada fiidiyowgii ay horey isugu qarsadeen,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha maxkamadda Burtinle.

Maxkamadda waxay sheegtay inuu eedeysanaha ku xadgudbay sharafta xaaskiisii hore, kadib markii uu bannaanka soo dhigay ceebaheeda, waxayna ku xukuntay xarig saddex sano ah iyo ganaax dhan $3,000.

Xukumanaha oo qirtay dambiga loo haystay, ayay maxkamadda siisay 30 cishe ah oo uu racfaan kaga qaadan karo xukunka lagu riday.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online