4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 21, 2021
Abaaro baahsan oo saameyay dadka iyo duunyada oo ka jira gobolka Hiiraan
 

Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Deegaano iyo degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa xiligaan wajahaya xaalada bini aadanimo nooca ugu daran oo ka dhashay abaaro baahsan oo ku dhuftay inta badan degmooyinka gobolka Hiiraan.

Meelaha ugu daran ee abaaraha baahsan laga soo sheegayo ee gobolka Hiiraan waxaa ka mid ah deegaanada dhaca dhinaca Waqooyi ee magaalada Baledweyne iyo deegaanada hoos yimaada degmooyinka Matabaan, Maxaas, Buula burte iyo Jalalaqsi.

Dadkan abaaraha baahsan ay saameysay ayaa u badan xoolo dhaqato ay xoolahii abaartu ka baabi'isay waxaana isugu darsoomay gaajo iyo haraad ba'an maadama roobabkii deyrta aysan ka da'in gobolka Hiiraan, waxaana ka bilaawday meelaha qaar iney isaga barakaceen dadka xoola dhaqatada ee abaartu la degtay.

Majirto wax gurmad dowladeed iyo mid maamul oo gaaray deegaanada ay dadka ku dhibaateysan abaaruhu sida ba'an uga jiraan, marka laga soo tago dhalinyaro isxilqaantay oo biyo dhaamin aanan badneen u sameeya dadka degan hareeraha Baledweyne, maadama awoodoodu intaas dhaafsiisneen.

Ururka dhalinyarada Isxilqaan oo ah urur dhalinyaro oo isku taagay ka shaqeynta howlaha gargaarka iyo samata bixinta dadka danyarta ah ayaa maalmahii lasoo dhaafay howlo biyo dhaamin ah waxay u sameyeen dad danyar ah oo ku nool magaalooyinka Baledweyne iyo Feerfeer ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Ururka dhalinyarada Isxilqaan Baledweyne Cabdiqaadir Xaaji Cali oo loo yaqaano Daadir Cali Yare oo la hadlay Shabakadda HOL ayaa sheegay in xaalado nolol oo aad u daran xiligaani ay wajahayaan dadka ku dhaqan miyiga gobolka Hiiraan.

"Annaga ka dhalinyaro ahaan lacago aan iska aruurino iyo kuwa dad muxsiniin ah oo dadkooda ka damqaday ay inagu soo hagaajiyaan ayaan biyo dhaamin ugu sameynaya meelaha ugu daran ee abaarta ka jirto, mana ahan waxan anaga jeebkeena ka aruurino wax dabooli karo baahida dadka abaarta ku dhufatay ee ku nool deegaanada gobolka, waxaana dhici doonta hadii xaaladu sidaan sii ahaato in meelaha qaar gaajo iyo haraad loogu dhinto" ayuu yiri guddoomiyaha dhalinyarada Isxilqaan Baledweyne.

Gobolka Hiiraan ayaa noqonaya gobolkii sadaxaad ee abaartu sida ba'an u saameyso dadka iyo duunyada ku nool, waxaana goboladii ugu horeeyay ee abaarta xiligaan dalka kusii faafeysa ay horay u saameysay gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]