4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 20, 2021
Taliyaha ciiddanka badda Soomaaliya oo raysal wasaare Rooble ku eedeeyay inuu boobayo dhulkii ciiddanka baddu lahaayeen
 

Isniin, December, 20, 2021 (HOL) - Taliyaha ciiddanka badda Soomaaliya Jeniraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ku eedeeyay raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu boob ku hayo dhulkii ay lahaayeen ciiddamada badda Soomaaliya.

Taliyaha ciiddanka badda ayaa sheegay in raysal wasaaruhu guri deegaan oo uu isagu si shaqsiyan ah u leeyahay uu ka dhisanayo qeyb kamid ah dhulkii ciiddanka badda lahaayeen, arrintaas oo taliyuhu sheegay in uusan waxba kala soconin.

“In la hunguriyeeyo hantidii ma guurtada ah ee u hartay ciiddanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaan leeyahay wax soconaya ma ahan, wax la abali karana ma ahan in raysal wasaarihii dalka uu boob ku dhisto guri shaqsi meeshii loogu talo galay xafiisyada ciiddanka badda Soomaaliya,” ayuu yiri taliye Cabdixamid Maxamed Dirir.”

Taliye Cabdixamiid wuxuu sheegay haddii uu xilkiisa ku weynayo inuusan oggolaandoonin in boob lagu dhisto dhulka uu masuulka ka yahay ee ay leeyihin ciiddanka badda Soomaaliya.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online