4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 20, 2021
Cabdullaahi Cosoble Siyaad oo Maanta ku Geeriyooday Dubai
 

Isniin, December, 20, 2021 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Dubai ku geeriyooday Allah u naxariiste Cabdullaahi Cosoble Siyaad oo ka mid ahaa shaqsi si weyn loo yaqiinay, islamarkaana xilal kala duwan kasoo qabtay dowlahadii dalka soo maray.

Cabdullaahi Cosoble Siyaad ayaa horay usoo noqday wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre, waxuuna ahaa shaqsi si weyn uga dhex muuqday dowladahii dalka soo maray.

Geerida wasiir hore Cabdullaahi Cosoble siyaad waxaa ka tacsiyadeeyay madax kala duwan oo uu ugu horeeyo raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

"Eebbe ha u naxariisto Wasiir hore Cabdullaahi Cosoble Siyaad oo maanta geeriyooday.  Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa oo uu ugu horreeyo madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo marxuumka, ehelkiisana Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Marxuum Cabdullaahi Cosoble ayaa ahaa aabaha dhalay Cali Cabdullaahi Cosoble siyaasi haatan si weyn uga dhex muuqdo saaxada siyaasada, waxuuna soo noqday madaxweynahii ugu horeeyay ee maamulka Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]