4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 20, 2021
Faysal Cali Waraabe "Muuse Biixi waxa uu maanta leeyahay doorashadii dib ayaan u dhigayaa"
 

Isniin, December, 20, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlayay shirwaynaha xisbiga UCID, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in uu qorshaynayo in uu dib u dhigo doorashada madaxtooyada ee qorshaysan 13, November, 2022.

Furista ururada siyaasada ayuu Faysal ku macneeyay marmarsiyo uu madaxweynuhu ku doonayo in uu xukunka ku dheeraysto.

"Muuse Biixi wuxuu maanta leeyahay doorashadiina dib ayaan u dhigayaa tii kalena waan soo horaysiinayaa, waxan leeyahay kaa yeeli maaye anaa kula tartamaya, kolba ciyaal yar yar hasoo kaxaysanin, oo qabiil haku soo kaxaysanin, qabiil waa laga baxayaa" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in dhibaato aan madaxweyne Biixi ahayn anay Somaliland wajahayn "Maanta dalkeena mushkilad aan Muuse Biixi ahayni ma taalo walaalayaal".

Guud ahaan xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa si wadajir ah uga soo horjeestay furista ururada siyaasada, isagoo Faysal Cali Waraabe ku dooday in xeerka furista ururada siyaasada isaga loo sameeyay si meesha looga saaro.

Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]