4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 20, 2021
Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay dhallinyaro lagasoo celiyay Turkiga oo weeraray shaqaale katirsanaa Turkish Airlines
 

Isniin, December, 20, 2021 (HOL) - Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in shan qof oo Soomaali ah oo laga soo celiyay dalka Turkiga loo xiray Jirdil ay u geysteen muwaadiniin Turkish ah oo ka shaqeynayay diyaarada Turkish Airlines.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya, gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay inuu weerarka jirdilku ka dhacay gudaha diyaarada oo xilligaas soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Afhayeenku wuxuu sheegay in dhalinyarada loo haysto falkaan lagu xiray xarunta dambi baarista ee CID, isagoo sheegay in la baarayo sababta ku kaliftay in ay ku kacaan falkaan.

Wuxuu sheegay in dowladdu dabiibayso dhaawac soo gaaray shaqaalaha diyaaraddaha Turkish Aiwarys ee jirdilka loo geystay.

Dhallinyarada loo xiray falkan ayaa shalay lagasoo celiyay dalka Turkiga, kadib markii dhawaan Turkigu uu bilaabay howlgal lagu tarxiilayo muhaajiriinta sharci darrada kusoo galay dalkaas.

Ciidamada Booliska dalka Turkiga ayaa dhawaan magaalada Kırklareli ee waqooyi galbeed dalka Turkiga ku qabtay 49 tahriibayaal ah oo ay ku jiraan Soomaali badan.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online