4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 20, 2021
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo iska fogeeyay inuu boobay doorashada kuraasta Golaha Shacabka
 

Isniin, December, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen oo ka hadlaayay munaasabad uu ugu dabaal degaayay sadaxsano guuradii kasoo wareegatay markii loo doortay madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay arrimo badan oo quseeya maamulkiisa iyo howlaha doorashada dalka.

Madaxweyne Lagftagareen ayaa sheegay inuu marwalba maqlo in doorashada la boobay, isagoona tilmaamay inaan waxba ka jirin wararka noocaasi ah oo aysan jirin cid kursi laga boobay.

"Heshiiskii doorasho 17 September wax laga badalayo majirto Qofka Soomaaliga cadaalad wuxuu u yaqaanaa  markii isaga wuxuu rabo helo marna kama leexaneyno wixii aan ku heshiinay. Waxaan maqla marwalba doorashada waa la boobay, kuraasta aan qabanay ma jirin cid laga boobay, balse maaha qofkii wax waaya inuu dadka ka dhaadhiciyo in wax laga boobay" ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Hadalka madaxweynaha Koonfur Galbeed uu isaga fogeeyay in maamulkiisa uusan sameynin wax boob doorasho ah ayaa imaanaya xili dhawaan guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof, Jawaari uu sheegay in loo diiday inuu u tartamo kursigii uu ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]