4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 20, 2021
Iska hor imaad Gaalkacyo ku dhexmaray ciidanka amniga Puntland iyo koox ka ganacsada maandooriyaha
 

Isniin, December, 20, 2021 (HOL) - Ciidamada ammaanka Puntland ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ka fuliyay howlgal qorsheysan oo lagula dagaalamayay kooxo ka ganacsada mukhaadaraadka oo ay laamaha amnigu baadi goob ugu jireen.

Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciiddanka amniga ayaa ku geeriyooday iska hor imaad dhexmaray ciidamada amniga iyo kooxaha maandooriyaha, waxayna ciiddamadu howlgalka kusoo qabteen sida ay sheegeen qaar ka mid ah kooxihii bartilmaameedku ku wajahnaa.

Labo askari ayaa sidoo kale ku dhaawacmay howlgalka, iyagoo ciiddanku si buuxda ay ula wareegeen goobtii ay ku ganacsan jireen kooxaha maandooriyaha, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska howlgalka.

Taliska qeybta booliska gobolka Mudug ayaa sheegay in ay ka go'an tahay inay u diyaarsan yihiin dhamaan ciiddamada ammaanka iyo kuwa difaacu waajibaadka ilaalinta nabada, horumarka iyo sarreynta sharciga, si gacan bir ah loogu qabto cid walba oo ku howlan falal amni darro

Maamulka Gobolka Mudug ayaa lagu wadaa inuu maanta warbaahinta ka hadlo, islamarkaana uu go’aano culus kasoo saaro dagaalka ciiddanku kula jiraan dadka maandooriyaha ka ganacsada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online