4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 20, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inay ka go'an tahay xalinta cabashada laga qabo Doorashada
 

Isniin, December, 20, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlaayay munaasabad loogu dabaal dagaayay sadax sano guuradii kasoo wareegtay markii la doortay madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ugu horeyn bogaadiyay shacabka reer Koonfur Galbeed iyo madaxdooda isku duubnida iyo horumarka ay ku talaabsadeen.

Rooble ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha doorashooyinka Golaha Shacabka oo uu sheegay in marar badan ay soo gaartay cabasho la xariirta doorashada oo kaga timid Beesha Caalamka iyo Midowga Mushadaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxuu sheegay raysal wasaare Rooble in doorasho kasta ay leedahay cabasho sax iyo been midkeey doonto ha ahaatee, hayeeshee Xukuumaddiisa ay ka go'an tahay xalinta cabashooyinka kaga imaaday Musharaxiinta iyo cid walba oo tabasha qabta.

"Waxaan idin xasuusinaya kuwa cabanaya qaarkood Shalay waxa ay fadhiyeen meesha aad maanta joogtaan, berina anaga ayaa laga yaaba inaan joogno meesha ay maanta ayaga joogaa, waana waajib inan si laab furan uga jawabno tabashadooda una xilana dhamaanteen cabashada laga qabo doorashada Golaha Shacabka" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Waxuu intaasi ku daray raysal wasaare Rooble in doorashooyinka ay soo maraan mar xalado kala duwan, balse loo baahan yahay in lagu dadaalo sidii looga gudbi lahaa si doorashada ay ugu qabsoonto sidii loogu talo galay oo xor iyo xalaal ah.

Hadalkaan uu raysal wasaaraha Soomaaliya uu ka jeediyay xafladii loogu dabaaldagaayay sanad guuradii sadaxaad ee kasoo wareegtay doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa kusoo aadaya xili cabasho xoogan laga muujiyay doorashada Golaha Shacabka, kuraastii lagu kala doortay magaaloyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb oo lagu tilmaamay iney ahaayeen doorashooyin boob ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]