4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 19, 2021
Xildhibaanno kasoo jeeda Puntland oo ka hadlay shaqaale la sheegay in laga eryay wasaaradda gargaarka
 

Axad, December, 19, 2021 (HOL) - Xildhibaanno katirsan barlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda deegaannada Puntland, ayaa madaxweynaha iyo raysal wasaaraha ka codsaday in si degdeg ah wax looga qabto 16 shaqaale ah oo ay sheegeen in si sharci darro ah looga eryay wasaaradda gargaarka.

Xildhibaannadan oo Muqdisho shir jaraaid ku qabtay ayaa sheegay in shaqaalaha la eryay ay ahaayeen shaqaale muddo afar sano ah kasoo shaqeynayay wasaaradda gargaarka iyo masiibooyinka, iyagoo sheegay in loo bartilmaameesaday oo shaqada looga saaray, si loogu beddesho dad bannaanka laga keenay.

“Waqti xaadirkan olale doorasho in lagu galo, in shaqaale shaqeynayay oo xaadir ah in meesha laga saaro oo lagu beddesho ergo cod bixiyayaal ah, waa arrin nasiib darro ah, waxaana baaqeenna gaarsiinaynaa cid kaste oo ay quseyso, waxaana kasoo horjeedna in shaqaale Soomaaliyeed xuquuqdoodii lagu lunto,” ayay yiraahdeen xildhibaannadu.

Xildhibaannada waxay wasiirka gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo arrintaan iyada lagu eedeeynayo ugu baaqeen in ay joojiso waxay ugu yeereen dulmiga lagu eryay shaqaalaha.

Wasiirka gargaarka weli kama hadlin arrintan, inkastoo dhawaan xubno katirsan masuuliyiinta wasaaradda ay beeniyeen in wax shaqaale ah laga ruqseeyay wasaaradda gargaarka.

Balse, wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka ayaa maalmo kadib hadlay isagoo sheegay in ay jirto cabasho rasmi ah oo kasoo gaartay shaqaale wasaaradda katirsanaa oo uu sheegay in sifo sharci darro ah shaqooyinkooda ay ku waayeen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online