4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 19, 2021
Guddiga Doorashooyinka Heer Fedaraal oo ugu baaqay maamulada Puntland iyo Hirshabeelle iney bilaabaan Doorashada Golaha Shacabka
 

Axad, December, 19, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa ugu baaqay maamulada Puntland iyo Hirshabeelle iney si deg deg ah u bilaabaan howlaha doorashooyinka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11- ee dalka oo haatan ay sheegeen in si habsami leh ay uga socdaan maamulada qaar.

Afhayeenka guddiga doorashada heer Fedaraal Axmed Safiino oo ka hadlaayay doorashadii afarta kursi ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Puntland iyo Hirshabeelle iney guda galaan doorashada ama ay soo bandhigaan caqabadaha haysta.

"Doorashada Golaha Shacabka waxay ku socota si dardar leh, waxaana dhawaan la dooran doona kuraas badan oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, marka maamulada Puntland iyo Hirshabeelle waxaan ugu baaqayna in si deg deg ah u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka" ayuu yiri Axmed Safiino Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka heer Fedaraal.

Hadalka Afhayeenka doorashooyinka ayaa imaanaya xili doorashada Golaha Shacabka ay horay u bilaabeen maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo kuwa Gobolada Waqooyi, halka guddiyada Jubbaland iyo kuwa beelaha Banaadiriga ay soo saareen liiska kuraasta ay doorashadooda qaban doonaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]