4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 19, 2021
Ciidamada Kumaandooska Danab oo sheegay iney burburiyeen Saldhigyo Al-shabaab ku lahayeen gobolka Sh/dhexe
 

Axad, December, 19, 2021 (HOL) - Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa howlgalo qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Deegaanada ay ciidamada Kumaandooska Soomaaliya howlgalada ka sameeyeen ayaa kala ah Baalow, Buulo Xaanshooley, Garasweyne Daniga iyo Basro oo dhamaantood ah deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhex.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka Kumaandooska Danab oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegtay iney burburiyeen saldhigyadii Shabaab ay ku lahayeen deegaanada ay howlgalada ka fuliyeen ciidanka Danab.

Waxay intaasi ku dareen saraakiisha in howlgalka ciidanka Kumaandooska Fuliyeen uu ahaa mid u qabsoomay sidii loogu talo galay, islamar ahaantaana deegaanada ay howlgalka ka fuliyeen ciidanka ay ka mid ahaayeen deegaanada Al-shabaab ay ku xooganayeen, islamarkaana ay sii wadi doonaan howlgalada ay kula dagaalamayaan Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]