4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 19, 2021
Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jaamacadda Carab oo shir weyne uga furmayo Sacuudiga

Axad, December, 19, 2021 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa gaaray magaalada Riyadh ee xarunta Dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Bulshada Sacuudiga , Mas’uuliyiinta ka tirsan Dawladda Sacuudiga iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga , Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa Wasiirka ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Riyadh ee King Khalid.

Ujeeddada socdaalka wasiirka ee Dalka Sacuudiga ayaa la xiriirta ka qaybgalka shirka heerka Wasiirro ee Jaamacadda Carabta, oo Riyadh uga furmaya wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waddamada Jaamacadda Carabta. Saddex maalin oo shirka uu soconayo waxaa looga hadli doonaa Horumarinta Bulshada iyo saamaynta COVID-19.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya mas’uuliyiinta Sacuudiga iyo wasiirrada dhiggiisa ah ee ka qaybgalaya shirka.

Iman Jama, Hiiraan Online