4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 19, 2021
Dowladda Soomaaliya oo beenisay in Turkiga uu siinayo diyaarado Drones ah
 

Axad, December, 19, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warar warbaahinta lagu faafiyay oo sheegayay in Turkiga uu siinayo diyaarado drones, kuwaas oo ka caawinaya dagaalka Alshabaab.

Agaasimaha war-faafinta iyo xiriirka warbaahinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo wareysi siinayay BBC Somali ayaa warkaas ku tilmaamay mid wax kama jiraan ah in Turkiga uu Soomaaliya siinayo diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Drones-ka.

Agaasimaha ayaa sheegay in Turkiga uu Soomaaliya ka caawinayo dib u dhiska ciidamada iyo la dagaalanka kooxda AlShabaab. Laakiin wuxuu sheegay in aanay jirin wax taageero milatari ah oo ay Turkiga ka helayaan

Hadalka agaasime Cabdirashiid ayaa kusoo beegmaya, iyadoo shalay dalka Turkiga lagusoo gabagabeeyay shirka iskaashiga Turkiga iyo Afrika, kaasoo madaxii ka qeyb gashay uu ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka madasha ka sheegay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee Soomaaliya yaalla.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online