4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 19, 2021
Doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Muqdisho
 

Axad, December, 19, 2021 (HOL) - Waxaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay la dhacdo doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Xildhibaanada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Doorashada kuraasta Maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho ayaa dhawaan lasoo gabagabeeyay diiwaan galinteeda, Shalay ayayna aheyd qorshaheeda iney qabsoonto, balse guddiga uu shaaciyay iney dib u dhacday.

Kuraasta Maanta la filaayo in doorashadoodu ay qabsoonta ayaa kala ah HOP 229, HOP 254, HOP 255, HOP 262, waxaana kuraastaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay Xildhibaanada kala ah Cabdullaahi Cismaan Ducaalle, Jaamac Maxamed Askar, Fowsiya Yuusuf Xaaji, iyo Axmed Maxamuud Maxamed.

Doorashada maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadeysa xili Shalay uu raysal wasaaraha Soomaaliya xilka qaadis ku sameeyay 7 xubnood oo ka tirsanaa guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka, islamarkaana uu magacaabay xubno cusub, waxaana xusid mudan in guddiga doorashada Soomaaliland ay horay u qabteen doorashada 10 kursi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda gobolada Waqooyi.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]