4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 18, 2021
Golaha Midowga Musharaxiinta oo soo dhoweeyay xilka qaadista guddigii xallinta Khilaafaadka doorashada

Sabti, December, 18, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhoweeyay tallaabada uu raysal wasaaraha Soomaaliya xilka kaga qaaday qaar katirsanaa guddigii xallinta Khilaafaadka doorashada, kuwaas oo saacaddo ka hor xil ka qaadistooda saxaafadda ka sheegay in shaqadooda faro galin lagu hayo.

Golaha midowga musharraxiinta ayaa caddeeyay inay si buuxda raysal wasaaraha ugu taageersan yihiin tallaabo kasta oo lagu saxayo geeddi socodka doorashada, si loo gaaro doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Musharraxiinta waxay sheegeen tallaabada uu raysal wasaaruhu qaaday in ay horudhac u tahay soo celinta kalsoonida shacabka, waxayna ku baaqeen in dib loogu laabto go’aanadii ay horey guddigaan u gaaray, si loogu sameeyay dib u sixid.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online