4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 18, 2021
Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo kasoo horjeestay xil ka qaadistii raysal wasaare Rooble

Sabti, December, 18, 2021 (HOL) - Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadis uu raysal wasaare Rooble ku sameeyay guddoomiyihii guddigaas iyo xubno kale oo guddiga katirsan.

Qoraal ay guddigan soo saareen waxay sheegeen in habka kaliya ee guddiga wax looga beddeli karo ama xilka looga qaadi karo ay tahay, go’aan wadajir ah oo kasoo baxa golaha wadatashiga qaran.

Waxay sheegeen go’aanka raysal wasaaraha inuu meel ka dhac ku yahay madax bannaanida guddigooda iyo heshiiskii 17 september, waxayna golaha wadatashiga ugu baaqeen inay jawaab ka bixiyaan go'aanka raysal wasaaraha.

Waxay kaloo qoraalkooda ku sheegeen in wasiirka amniga uu ciiddan iyo gaadiid dagaal lasoo galay xarunta guddiga, iyagoo ku eedeeyay inuu u geystay handadaad iyo in ay si degdeg ah uga guuraan xarunta xubnaha xil ka qaadista lagu sameeyay.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online