4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 18, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo xilalkii ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka
 

Sabti, December, 18, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray goordhaw waxa uu xilalkii kaga qaaday xubno ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka.

Wareegtada xilka qaadista xubnahan ayaa lagu sheegay in xubnahan xilkii lagu aaminay ay u isticmaaleeen ujeedooyin ka duwan sidii loo baahna ayna baal mareen anshaxa xeerka doorashada, islamarkaana ay ku dhex milmeen siyaasadda.

Xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ee xilalka laga qaaday waxaa ka mid ah guddoomiyahii guddiga Xuseen Maxamed Maxamuud, Axmed Saciid Samatar, Maxamed Faarax Xirsi, Nimco Axmed Cabdi, Cali Maxamed Faarax,Maxamed Ciise Heybe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cali.

Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilalkaasi waxa uu u magacaabay xubno cusub oo guddiga khilaafaadka ah Ismaaciil Maxamed Axmed, Fardowsa Mataan Buulle, Ayaanle Axmed Cabdulle, Bashiir Axmed Yuusuf, Xasan Axmed Dhicisow, Maxamed Cawil Warsame iyo Axmed Barre Maxamed.

Xilka qaadista iyo magacaabista Raysal wasaare Rooble ayaa imaaneysa xili maanta Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka uu shaaciyay in guddigooda cadaadis kala duwan kala kulmaan xafiisyada qaar, inkastoo uusan carabaabin xafiisyada laga cadaadiyo, ugu dambeyna saacado kadib hadalkiisa waxaa laga qaaday xilkii guddoomiyenimo isaga iyo xubno kale.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]