4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 18, 2021
Guddiga xallinta khilaafaadka oo sheegay in cadaadis lagu hayo shaqadooda

Sabti, December, 18, 2021 (HOL) - Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in cadaadis lagu hayo waajibaadkoooda shaqo ee loo igmaday.

Guddiga ayaa sheegay in ay dalbanayaan in lagu ixtiraamo shaqada ay hayaan, iyagoo sheegay in dad ka sareeya oo katirsan saxiixayaasha heshiiska doorashada ay howshaas ka dambeeyaan, balse ma sheegin cidda ay yihiin.

Guddiga xallinta khilaafaadka waxay iska fogeeyeen in ay cid gaar ah ugu eexanayaan go’aannada ay gaaraan, waxayna tilmaameen in si laga baaraan dagay ay u gaaraan go’aannada.

“Waxaan caddeynaynaa annaga kooxi nama leh, nidaam gaar ah uma adeeggayno, koox gaar ah uma adeeggayno. Waxaanu u adeegggaynaa kala saarida xildhibaannada ama musharraxiinta ee ku qanci waaya natiijada doorashada,’ ayuu yiri masuul katirsan guddiga xallinta khilaafaadka.

Guddiga xallinta khilaafaadka ayaa tan iyo markii ay doorashooyinku bilowdeen ma jirin hal kursi oo cabasho lagasoo gudbiyay oo ay doorashadiisa dib ugu celiyeen. Kaliya 2 labo kursi ayay hakiyeen kadibna way siidaayeen.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa  ku eedeeyay guddiga xallinta khilaafadka ayaa in ay sumcadoodii ku dhimatay kadib markii ay siidaayeen kursigii taliye Yaasiin Fareey.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online