4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 18, 2021
Dooraashada Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo maanta ka dhici laheyd magaalada Muqdisho oo baaqatay
 

Sabti, December, 18, 2021 (HOL) - Dib u dhac ayaa ku yimid doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta gobolada Waqooyi ee Soomaaliland oo lagu waday  maanta oo Sabti ah iney ka qabsoonto magaalada Muqdisho.

Guddiga hirgelinta doorashada Soomaaliland ayaa shaaciyay in maanta ay dib u dhacday doorashada, islamarkaana maalinta berito ah la qaban doono doorashada afarta kursi.

"Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland wuxuu ogaysiinayaa in dib udhac uu ku yimid qabashada kuraasta tirsigoodu yahay HOP#262 HOP#229 HOP#254 iyo HOP#255, Isla markaana maalinta Axada ee ay bishu tahay 19-Dec-2021 la qaban doono kuraastaas. Waxaan ku war galinayna musharaxiinta u tartamayaa kuraastan in 19-Dec-2021 ay u soo diyaar garoobaan qabashada kuraastas" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay soo saareen guddiga doorashada Soomaaliland.

Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa tan iyo markii ay bilaabatay waxaa isa soo taraayay cabashada laga muujinaayo hanaanka ay ku bilaabatay doorashada, walow wali aysan ka bilaaban doorashada maamulada Puntland, Hirshabeelle iyo Jubbaland, kuwaas oo la filayo iney dhawaan bilaabaan doorashada Golaha Shacabka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]