4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 18, 2021
Ciiddanka dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigay maandooriye lagusoo raray doon

Sabti, December, 18, 2021 (HOL) - Ciiddanka Booliiska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Doon siday waxyaabaha maanka dooriya oo lagusoo qabtay howlgal ciiddanka amniga ay sameeyeen 48saac ee lasoo dhaafay.

Afhayeenka ciiddanka Booliiska Soomaaliya, ayaa warbaahinta u sheegay in maandooriyahan ay qabteen ciiddanka lagusoo qariyay jawaano, iyadoo loo ekaysiiyay badeeco u rarnayd ganacsato.

Afhayeenku wuxuu sheegay in ciiddanka Booliiska indhahooda aad u furan yihiin isla markaana ay meel kasta uga daba tagayaan waxyaaabaha maanka dooriya in bulshada lagu dhex fasahaadiyo.

Wuxuu digniin xooggan ujeediyay ganacsatada hantidooda galinaysa muqaadaaradka iyo kuwa canshuurta dowladda ka dhuumanaya, wuxuuna caddeeyay in dowladu go’aan adag ay ka gaartay la dagaalkooda.

Afhayeenku ma sheegin nuuca maandooriyaha ay qabteen wuxuu ahaa, balse wuxuu sheegay in ay qeyb ka ahayd Tubaako laga keenay Shabeellada hoose iyo jubbada dhexe.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online