4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 17, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay madaxweynaha dalka Turkiga
 

Jimco, December, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo oo uu kaga qayb galayo Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ku joogo magaalada Istanbuul, ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyip Erdogan.

Kulanka diirradda lagu saaray dardar gelinta qorsheyaashii hore ee iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta, iyo bilaabidda kuwo hor leh oo qayb ka ah qorshaha cusub ee iskaashiga ee dalalka Afrika iyo  waddanka Turkiga.

Sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya, madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Turkiga guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasilinta dalka, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah isu la xoojiyey muhiimadda ay labada Dal u leedahay horumarinta iskaashigooda ku dhisan ka wada shaqaynta danaha Labada Qaran iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya dalalka qaaradda Afrika iyo Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha Turkiga garab istaagga Soomaaliya waxaana uu tilmaamay in dowladda Turkigu ay Soomaaliya u tahay saaxiib dhow oo Istaraatiiji ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online