4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 17, 2021
IGAD oo ku baaqday in doorashooyinka soo socota ee Soomaaliya iyo Kenya ku dhacaan hab nabad ah
 

Jimco, December, 17, 2021 (HOL) - Urur goboleedka IGAD ayaa ku booriyay Kenya iyo Soomaaliya in ay xaqiijiyaan doorashooyin qaran oo dimoqraadi ah oo nabad ah, isagoo ku tilmaamay doorashooyinka soo socda inay yihiin tijaabo dastuuri ah.

Isagoo ka hadlayay mar uu khudbad ka jeedinayay magaalada Mombasa, xoghayaha fulinta ee IGAD Dr Workneh Gebeyehu ayaa ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in si nabad ah lagu xalliyo khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka iyadoo loo marayo hab sharci ah.

“Doorashooyinka soo socda ee Kenya iyo Soomaaliya waxay tijaabo u noqon doonaan ku dhaqanka dastuurka. Haddaan nahay IGAD waxaan u rajaynaynaa dowladda iyo shacabka Kenya iyo Soomaaliya in doorasho nabad ah ay ku dhacdo waqtiyada soo socda,” ayuu yiri Gebeyehu.

Xoghayaha IGAD, Gebeyehu wuxuu ku booriyay Soomaaliya iyo Kenya inay hubiyaan mabaadi'da dimoqraadiyadeed inta lagu jiro iyo ka dib doorashooyinkooda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online