4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 17, 2021
Shirweynaha saddexaad ee madasha Iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika oo ka furmay magaalada Istanbuul
 

Jimco, December, 17, 2021 (HOL) - Shirweynaha saddexaad ee madasha Iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, isaga oo shirku maanta ku furmay jewi heer wasiirro ah ee Turkiga iyo dalalka Afrika.

Shirkan waxaa Soomaaliya uga qeyb galay wasiirrada arrimaha dibadda, beeraha iyo waxbarashada, iyada oo lagu lafo-guray iskaashiga iyo xiriirka Turkiga iyo Afrika ee dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, warshadaha, ganacsiga, wax soosaarka iyo amniga.

Wasiirradda Soomaaliya ayaa madasha la wadaagay mawqifka Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka iyo iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Waxay wasiiraddu soo bandhigeen fursadaha maalgashiga, beeraha, ganacsiga, waxbarashada iyo warshadaha ee ka jira dalka Soomaaliya, iyo qorshaha lagu horumarin karo xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa ku soo beegmaya xilli uu bishii Octobar qabsoomay shir heer sare ah oo diiradda lagu saarayay maalgashiga iyo ganacsiga.

Madax badan oo ka socda dalalka Afrikaan ayaa waxay raadinayaan inay dowladda Turkiga ka iibsadaan qalabka ciidamada oo qiimo jaban ah, lehna shuruudo yar.

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdoğan ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirkan 18-ka bishan December.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online