4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 17, 2021
Madaxweynayaasha Jubbbaland iyo Koonfur galbeed oo qodobo kasoo saaray kulan ay ku yeesheen magaalada Kismaayo
 

Jimco, December, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa soo gabagabeeyay booqasho rasmi ah oo qaadatay muddo laba maalmood oo uu ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta gareen ayaa kulan lagaga hadlay iskaashiga labada maamul la qaatay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed.

Labada madaxweyne ayaa waxay si qoto-dheer u falanqeeyeen abaaraha ka jira deegaannada labada maamul, sidoo kale amniga, horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, isdhexgalka bulshada, xoojinta hannaanka Federaalka iyo dardar- galinta Doorashooyinka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online