4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 17, 2021
Madaxweynaha Soomaaliya oo lagusoo dhoweeyay dalka Turkiga

Jimco, December, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagusoo dhoweeyay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa magaalada Istanbuul kaga qayb galaya meertada saddeexaad ee Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika, isaga oo inta uu halkaas ku sugan yahay kulan-doceedyo la qaadan doona madax Kala duwan oo ka soo qayb galaysa Shirweynaha.

Dowladdda Soomaaliya ayaa halkaas ku soo bandhigi doonta aragtideeda ah fursadaha maalgashi, ganacsi, diblomaasiyeed, xoojinta amniga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee ka dhaxeeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Soomaaliya ayaa kamid ah dowladdo Afrikaan ah oo lagu martiqaaday shirka Turkiga iyo Afrika, isagoo Turkigu uu doonayo inuu ballaariyo saamayntiisa ganacsi  ee uu laleeyahay qaaradda Afrika.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online