4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 17, 2021
Faahfaahin ku saabsan weerar Alshabaab ku qaadday saldhigga ciiddanka AMISOM ee Buulo-mareer
 

Jimco, December, 17, 2021 (HOL) - Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gelinkii dambe ee shalay oo Khamiis ahayd, sida ay saraakiil sheegeen.

Weerarka ayaa lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee Buulomareer, oo 123 KM dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda Muqdisho.

“Alshabaab waxay weerar ku qaadeen bar koontarool oo Buulo-mareer ku taalla, balse ciidamada ayaa si degdeg ah uga hortagay. Kooxda weerarka soo qaaday ayaa madaafiic ku garaacay saldhigga AMISOM, waxaana suura gal ah in ay madaafiic ku dhaceen saldhigga,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna tilmaamtay in 17 ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya iyo taliska AMISOM, kuwaas oo ka hadlay weerarka Alshabaab ee ka dhacay gobolka Shabeellada hoose.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online